Xadhig kajarka, Rugta cusub ee police station'ka madaarka cigaal.

02 November 2023
Madaarka Cigaal.

Hay'adda duulista iyo madaarada Somaliland waxa ay kusoo kordhisay madaarka Cigaal rug cusub oo ciidan ( Police station). Saldhigaas oo la jaanqaadaya nidaamka saldhigyada caalimiga ah, kaas oo uu eedaysanuhu ka helaayo waxyaalo badan oo uusan ka heli lahayn goobaha kale ee ciidanka. Munaasibaddii xadhig kajarka saldhiga, waxaa kasoo qayb galay maareeyaha hay'adda duulista, taliyaha ciidanka bilayska, gudoomiyaha gobolka, wasiirka deegaanka, gudoomiyaha baanka, iyo masuuliyiin kale. 

Maareeyaha hay'adda Omar-sayid ayaa furitaankii munaasibadda ka warbixiyey muhiimadda iyo waxtarka uu u leeyahay saldhigu madaarka iyo degmada. Taliyaha bilayska General Dabagale ayaa isaguna soo dhaweeyey dhismaha saldhigan, kuna amaanay dawrka muuqda ee hay'adda duulistu ka geysatay dhismaha dawladnimo.

Wasiirka deegaanka marwo Shukri Baandare oo goob joog ahayd, ayaa bogaadisay muhiimadda saldhiga, waxa aanay ku baaqday in beerista dhirta saldhiga, ka wasaarad ahaan ay keeni doonaan.

Intaa kadib waxaa weedho iyo ereyo kooban ka jeediyey masuuliyiin iyo madax kale oo dhamaantood bogaadiyey shaqadan la qabtay, kuna amaanay hay'adda duulista iyo madaarada Somaliland shaqada ay qaranka u hayaan.