Shaqada dhismaha madaarka Boorame oo si habsami leh u socota.

Tan iyo markii ay si wada jir ah u dhagax dhigeen dhismaha madaarka Boorame madaxweyne kuxigeenka jamhuuriyadda Somaliland iyo maareeyaha Hay'adda duulista iyo madaarada Somaliland, waxaa si habsami ah u socda shaqada dhismaha madaarka.