Sagootinta kooxda xidigaha cirka ee Hay'adda duulista iyo madaarada Somaliland.

Maareeyaha Hay'adda duulista iyo madaarada Somaliland Cumar-sayid Cabdillaahi, maareeye ku xigeenka Hay'adda Sharma'arke, gudoomiyaha kooxda xidigaha cirka iyo dhamaan masuuliyiinta Hay'adda duulista iyo madaarada Somaliland ayaa kala qayb galay kooxda xidigaha cirka munaasibad sagootin ah oo ay ugu anbabaxeen gobolka saaxil, oo ay kaga qayb geli doonaan tartanka horyaalka kubadda cagta ee Somaliland oo uu LAAD-FURAY madaxweyne ku xigeenka jamhuuriyadda Somaliland.

Maareeyaha Hay'adda iyo ku xigeenka Hay'adda ayaa hadalo dhiiri-gelin iyo dardaaran halkaas uga sii jeediyey cayaartoyda xidigaha cirka ee ku cayaara magaca Hay'adda Duulista. Waxa aanay ku bogaadiyeen xirfadooda kubadeed, isku xidhnaanta kooxda, khibradooda. Guul iyo cayaar wanaag baan idiin rejeynaynaa.