Qaar ka mid ah shaqaalaha iyo saraakiisha Hay'adda Duulista iyo Madaarada Somaliland oo dhamaystay tababar lagu kordhinaayey aqoontooda shaqo.

Waxaa maanta usoo dhamaaday saraakiisha iyo shaqaalaha Hay'adda Duulista iyo Madaarada Somaliland tababar labadii todobaad ee la soo dhaafay uga socday xarunta Hay'adda. Tababarkaas oo ujeedkiisu ahaa kobcinta iyo kor u qaadidada aqoonta shaqo ee looga baahan yahay xafiisyada hay'adda ee Strategic planning and monitoring evaluation. 
 
Maareeyaha Hay'adda Duulista Omar-sayid Cabdillaahi iyo agaasime-waaxeedada Hay'adda ayaa qayb ka ahaa xafladda oo lagu gudoon siiyey shahaadooyinka. Maareeyaha ayaa ku bogaadiyey saraakiisha aqoonta ay barteen, waxa uuna faray in ay aqoontaas ku bilaan shaqada ay hayyaan. 
 
Ugu danbayn Maareeyaha Hay'adda Duulista iyo masuuliyiinta Hay'addu waxa ay u mahad celinayaan macalin Mubaarig Cabdillaahi Daljir, oo si xirfad iyo aqoon-sare leh usoo gudbiyey culuumtii iyo casharadii uu bixinaayey.