Madaxweynaha qaranka iyo maareeyaha Hay'adda duulista oo dhagax-dhigay dhismaha cusub ee uu yeelan doono madaarka Boorame.
Safarka madaxweynaha qaranku ku joogo gobolada galbeed ee Somaliland ayay ka mid ahayd in uu soo booqdo dhismaha madaarka boorame iyo halka uu marayo.Maareeyaha Hay'adda Duulsita Cumar-sayid Cabdillaahi ayaa ku qaabilay madaxweynaha garoonka, oo uga war bixiyey halka uu marayo dhismaha garoonka. " waxa la dhisay 5.2 km oo lagu soo wareejiyey silig ad, si loo xadeeyo xaydaabka madaarka, sidoo kale waxa la dhisay dhabbo diyaaradeed oo dhererkeedu dhan yahay 1.7 km oo jay ah ( Gravel ) oo ay hadda ku degi karaan diyaaradaha marawaxadda leh. Waxa sidoo kale maanta la dhagax-dhigay dhismaha Terminal kooban oo uu yeelan doono madaarku, oo markiiba ay ka dhoofi karaan qiyaastii 60 qof halka ay kasoo degi karaan 60 ilaa 70 qof. Waxa aanu rajeynayaa sida qorshuhu yahay in hawshaasi dhamaan doonto, madaarkuna u adeegi doono shacabka degmada iyo gobolka.
Dhamaan dadaaladaas oo dhan waxa laga fuliyey/ Fulinayaa miisaaniyadda hay'adda duulista iyo madaarada Somaliland.