Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi oo maanta kormeer ku yimid Wasaaradda Duulista Hawada iyo Horumarinta Madaaradda

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi oo maanta kormeer ku yimid Wasaaradda Duulista Hawada iyo Horumarinta Madaaradda,
ayaa daah-furay Mashaariic ay ka hirgalisay Wasaaraddu Madaarka Caasimadda Hargeysa ee Egal International Airport iyo Xarunta Dhexe ee Wasaaradda, mashaariicdaasi oo kala ahaa:
1. Dhismaha Terminal-ka cusub ee soo dagayaasha oo ka kooban Qaybta Rakaabka, Qaybta Marti-sharafta (VIP Lounge) iyo Qaybta Madaxda Dowladda (Executive Lounge).
2. ⁠Xarunta Maamulka Hawada Sare oo lagu xoojiyay qalab cusub oo suurto-galinaya hagida iyo maamulka diyaaradaha isticmaala Airspace-ka Somaliland.
3. ⁠Dib-u-dhis, Qurxin iyo Qalabayn dhammaystiran oo lagu sameeyay Xafiisyada Xarunta Wasaaradda.