Maareeyaha Guud ee Hay'adda Duulista oo kulan la qaatay kooxda XIDIGAHA CIRKA ee Caasimadda Hargeysa.

Maareeyaha guud ee Hay'adda Duulista iyo Madaarada Somaliland Cumar-sayid Cabdilaahi ayaa kulan ka qabsoomay xaruunta Hay'adda duulista maanta oo ay taariikhdu tahay 23 September 2024 la yeeshay kooxda XIDIGAHA CIRKA ee Caasimadda.
 
Kulankan oo ahaa dardaaran iyo dhiirigelin loo samaynayey kooxda ku cayaarta magaca Hay'adda ee caasimadda, ayaa maareeyuhu kula wadaagay cayaartoyda fariimo iyo wacyigelin maadaama uu bilaabmayo wareega is-reebreebka capital-league ee caasimadda Hargeysa, oo ay habeenka caawa ay cayaari doonaan kulankoodii 1aad oo ay la leeyihiin kooxda dawladda Hoose ee caasimadda.
 
Maareeyuha iyo gudoomiyaha kooxdu waxa ay si isku mida, kula dardaarmeen kooxda in ay muujiyaan ciyaar-wanaag iyo xirfad sare, soona bandhigaan tayadooda cayaareed iyo sawracooda kooxeed.
 
Intaa kadib Maareeyuhu waxa uu fadhigaas ka caddeeyey in kooxda xidigaha cirka ee gobolka Sanaag maanta si buuxda Hay'adda Duulista iyo Madaarada Somaliland ula wareegtay, oo ay ku cayaari doonaana magaca Hay'adda, sidaas oo kale iyaguna u ilaalin doonaan shuruucda iyo magaca Hay'adda.
 
@Xafiiska Warbaahinta Hay'adda Duulista
Commoffice.caaa@sldgov.org 
+25263-4356952 
Whatsapp 63 4356952