Maamulka madaarka Burco, iyo masuuliyiinta DALMAR AIR oo maanta shir-saxaafadeed ku qabtay gudaha madaarka ayaa bulshada reer Burco la wadaagay war-murtiyeed ku saabsan shaqada madaarka iyo duulimaadada todobaadlaha ah ee ka bilaabmay madaarka Burco.
 
Maalmaha sabtida iyo talaadada waxa shacabka burco heli doonaan duulimaadka ay samayso diyaaradda DALMAR AIR ( wixii macluumaad ah ee dheeri ah, waxa aad ka dheehan kartaa page'ka ama website'ka diyaaradda ) 
 
Hay'adda Duulista iyo Madaarada Somaliland waxa ay mar walba ku dedaalaysaa in ay gaadhsiiso shacabka Somaliland adeeg duulimaad oo haqabla. Madaarka Burco dhismuhiisu waxa uu ku yimi balanqaadkii siyaasiga ahaa ee xisbiga Kulmiye ee uu hogaaminayey madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo baaqii shacabka Burco oo soo jeediyey in madaarka dib loo furo. Ilaahay mahaddii maanta wuu shaqaynayaa madaarku, waxaana la qorsheeyey in rakaabka ( International passenger) loo gudbin doono, diyaaradaha Local flights ka samaynaya ee ka degeya garoonka magaalada Burco.