Duulimaadkii diyaarada Ethiopian Airlines

Duulimaadkii diyaarada Ethiopian Airlines ee galinka dambe iman jiray Gegeda diyaaradaha ee Cigaal, oo cimilada iyo roobabka darteed u dagi kari waayay, ayaa caawa si nabad ah ku soo cago dhigtay garoonka Hargeysa ee Cigaal 7:00 Fiidnimo.

Duulimaadkaas ayaa isla 7:40 Daqiiqo si nabad ah kaga dhoofay madaarka Hargeysa.