MCH iyo xaruun bank cusub oo laga dhagax-dhigay gudaha madaarka cigaal/ Hargeisa Somaliland.

02 November 2023
Madaarka Cigaal.

Madaarka caalamiga ah ee cigaal waxa maanta laga dhagax-dhigay dhisme cusub oo uu yeelan doono baanka dhexe ee jamhuuriyadda Somaliland, iyo goob caafimaad ( MCH ) . Labadan xaruumood waxa ay waxtar weyn u yeelan doonaan xaafadda iyo hay'adaha dawliga ah ee ka hawlgala xaafadda.  

Maareeye Omar-sayid oo ka hadlay dhagax-dhigga baanka ayaa sheegay muhiimadda uu u yeelan doono dhismaha baanku deegaanka masalaha oo ay ka hawlgeli jireen in ka badan tobaneeyo hay'adood oo u talaabi jiray xarumaha kale ee ka durugsan xaafadda. Sidoo kale gudoomiyaha baanka ayaa uga mahad naqay maareeyaha Hay'adda duulista iyo masuuliyiinta hay'adda in ay bixiyeen dhulka laga dhisi doono baanka.

Sidoo kale agaasimaha wasaaradda caafimaadka, maayir ku xigeenka caasimadda iyo maareeyaha Hay'adda Omar-sayid oo hadalka iska daba qaatay ayaa ka waramay baahida deegaanku u qabay goob caafimaad oo ay yeelato xaafaddu, masuuliyiinta wasaaradda caafimaadka ayaa uga mahad celiyey madaxda hay'adda duulista bugcadda iyo dhulka ay bixisay hay'adda duulistu.Wasaaradda caafimaadka ayaa balanqaaday in qalabka goobtan caafimaad, ay keeni doonaan iyagu.