Badhasaabka gobolka Awdal oo soo kormeeray dhismaha iyo shaqada ka socota madaarka Boorame.

Ilaa iyo maalintii ay si wada jir ah u dhagax-dhigeen maamulka degma, madaxweyne ku xigeenka Somaliland iyo maareeyaha guud ee Hay'adda Duulista iyo madaarada Somaliland garoonka diyaaradaha ee Boorame, waxaa socda dhismihii iyo dhamaystirka madaarka.
 
Badhasaabka gobolka Awdal iyo injineerka dhismaha madaarka, oo kormeeray maanta shaqada ka socota madaarka, ayaa sheegay in dhabadii diyaaraduhu ka haadi lahaayeen ku dhawdahay gebogebo. Sidoo kale badhasaabku waxa uu fariin u diray shacabka u dhashay degmada iyo deegaanka Boorame, sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen dhamaystirka madaarka oo wax weyn ka tari doona isu socodka dalka iyo degmada, abuuri doonana fursado iyo ganacsiyo wax weyn kusoo kordhiya magaalada.
 
Hay'adda Duulista iyo Madaarada Somaliland, waxa ay mar walba ka duuleysaa in la isku xidho deegaanada iyo dadka reer Somaliland, isla jeerkaana ay shaqeeyaan madaarada gobolada iyo kuwa degmooyinku. Waxaanay kamid tahay siyaasada xisbiga Kulmiye ee uu hogaamiyo madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo Maareeye Zayid Omar Abdilahi .