Waaxda qorshaynta Hay'adda duulista iyo madaarada Somaliland ayaa soo agaasintay tababar aqoon-korodhsi ah oo ay u qabatay xubno iyo masuuliyiin ka tirsan shaqaalaha hay'adda duulista.

Tababarkaas oo socon doono muddo 15 maalmood ah, kana bilaabmaya 25 November ilaa 10 December, waxa ujeedkiisu yahay in kor loo qaado tayada masuuliyiinta Hay'adda duulista si loo gaadho shaqo wanaag iyo aqoonta oo ka muuqata xafiisyada Hay'adda duulista iyo madaarada J.Somaliland.